Muhoozi oo ugu baaqay dalalka AUSSOM inay mideeyaan dadaallada

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda (CDF), General Muhoozi Kainerugaba, ayaa ugu baaqay dalalka ciidamada ku leh Soomaaliya inay muujiyaan midnimo, wada-shaqeyn iyo go’aan adag si loo sii ambaqaado howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, xilli uu wajahayo caqabado dhanka maalgelinta iyo taageerada saadka ah.

General Muhoozi ayaa hadalkan ka jeediyay shir aan caadi ahayn oo ay magaalada Kampala isugu yimaadeen Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca ee dalalka ciidamada ku leh Soomaaliya. Shirka ayaa ka dhacaya Speke Resort Munyonyo, wuxuuna hordhac u yahay kulamada Wasiirrada Difaaca iyo Madaxda Dowladaha ee la qorsheeyay inay socdaan illaa 31-ka Luulyo.

Muhoozi ayaa sheegay in isbeddellada ku yimid taageerada saadka iyo yaraanta dhaqaalaha ay ka dhigan yihiin in dalalka howlgalka ka qeybgalaya ay yeeshaan qorshe mideysan si loo ilaaliyo guulaha laga gaaray amniga Soomaaliya.

Shirka waxaa ka qeybgalaya saraakiil ciidan iyo wufuud ka kala socota Uganda, Soomaaliya, Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Masar iyo Kenya, kuwaas oo ka arrinsanaya mustaqbalka howlgalka AUSSOM iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaare Abiy oo shaaciyay in la bilaabayo dhismaha dhuumaha shidaalka ee Jabuuti iyo Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in...

Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay wada-hadal qaran iyo doorasho heshiis lagu yahay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha Xisbiga Nabad iyo...

DFS oo ka hortimid hadalka Puntland ee madax-bannaanida

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf...

Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Hirshabelle, Cali Guudlaawe oo lagu soo dhaweeyay magaalada Jowhar

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles