MW Xasan Sheekh oo maanta la kulmaya Taliyaha AFRICOM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeesho Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Dagvin R.M. Anderson.

Sida wararku sheegayaan, kulanka ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda amniga iyo siyaasadda dalka, xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo dardargelinta howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kulankan ayaa imanaya maalin kadib markii General Anderson uu Muqdisho kula kulmay Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar.

Kulankii shalay ayaa looga hadlay taageerada howlgalada ka dhanka ah argagixisada, xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AFRICOM, iyo diyaar-garowga guluf ballaaran oo lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale kulankaas ku xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada howlgalada militari iyo la-dagaallanka argagixisada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaare Abiy oo shaaciyay in la bilaabayo dhismaha dhuumaha shidaalka ee Jabuuti iyo Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in...

Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay wada-hadal qaran iyo doorasho heshiis lagu yahay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha Xisbiga Nabad iyo...

DFS oo ka hortimid hadalka Puntland ee madax-bannaanida

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf...

Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Hirshabelle, Cali Guudlaawe oo lagu soo dhaweeyay magaalada Jowhar

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles