Taliye Shub oo hanjabaad culus u diray Aadan Madoobe

Taliyihii hore ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub), ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku jeediyay hadallo kulul oo uu kula hadlay hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Taliye Shub ayaa ku eedeeyay Aadan Madoobe inuu mas’uul ka yahay xaaladda ka taagan Baydhabo, isagoo ku hanjabay in uusan si nabad ah ugu sugnaan doonin magaalada.

“Haddii aad hal habeen Baydhabo nabad ku seexato, dambiga anigaa leh. Diyaaradaha kuu jooga laguguma deynayo ee dadka ayaa lagu dhameynayaa,” ayuu yiri Taliye Shub.

“Aadan Madoobow Baydhabo nabad kuma seexanaysid, adigaa bilaabay colaada,xabad ayaa wadahadal noo ah,in lagu daayo waa habeenkii xalay tagay, xarigeyga adiga ayaa ka dambeeyay”

Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan Baydhabo, iyadoo weli aan wax jawaab ah laga helin Aadan Madoobe ama mas’uuliyiinta dowladda ee ku aaddan hadalladaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaare Abiy oo shaaciyay in la bilaabayo dhismaha dhuumaha shidaalka ee Jabuuti iyo Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in...

Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay wada-hadal qaran iyo doorasho heshiis lagu yahay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha Xisbiga Nabad iyo...

DFS oo ka hortimid hadalka Puntland ee madax-bannaanida

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf...

Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Hirshabelle, Cali Guudlaawe oo lagu soo dhaweeyay magaalada Jowhar

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles