Sunday, August 2, 2026

Taliyaha Ciidanka Xoogga Taliyaha TURKSOM iyo saraakiil ciidan oo tagay Baydhabo

Hogaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ay si wadajir ah u hoggaaminayeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo Taliyaha TURKSOM Brigadier General Mehmet Yasin Kalın, kuwaas oo maanta soo gaaray magaalada Baydhabo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta amniga guud ee Dowladda Koonfur Galbeed, dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ciidamada dowladda Koonfur Galbeed iyo TURKSOM.

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyey wafdiga booqashadooda Baydhabo, isagoo bogaadiyey doorka Ciidanka Xoogga Dalka iyo TURKSOM ay ku leeyihiin tayeynta ciidamada Soomaaliyeed, horumarinta awoodda difaaca dalka iyo xaqiijinta amniga shacabka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo Taliyaha TURKSOM Brigadier General Mehmet Yasin Kalın ayaa xaqiijiyey inay sii wadi doonaan taageerada ay ku garab taagan yihiin Dowladda Koonfur Galbeed, si loo xoojiyo amniga, loona dardargeliyo howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Kulanka ayaa waxaa kala qeybgalay Hogaamiyaha Wasiirka Amniga, Agaasimaha Guud Madaxtooyada, siihayaha Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada iyo Saraakiisha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Shan qof oo ku dhintay doon dab ka kacay dalka Indonesia

Shan qof ayaa dhintay, 41 kalena waa la la'yahay...

Guddoomiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Puntland iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis lagu ballaarinayo saldhiggeeda Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Magaalada Bosaaso shir...

Askar ka tirsan Puntland oo ku geeriyooday qarax ka dhacay G/Bari

Wararka ka imanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax...

RW Xamsa oo maanta gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafti...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles