Somaliland oo Cambaareeyay Socdaalkii RW Xamsa ee Laascaanood

Maamulka Somaliland ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu si adag ugu cambaareeyay socdaalkii Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, uu ku tagay magaalada Laascaanood iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Sool.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in maamulka Somaliland uu socdaalkaasi u arko mid sii hurinaya xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka taagan gobolka, isla markaana uu ku tilmaamay tallaabo uu sheegay inay dhaawacayso waxa uu ugu yeeray madaxbannaanida iyo dhulka uu maamulo.

Sidoo kale, maamulka Somaliland wuxuu sheegay in socdaallada noocan oo kale ah aysan waxba ku soo kordhinayn dadaallada nabadda iyo xasilloonida gobolka, balse ay halis gelin karaan amniga iyo dadaallada lagu doonayo xasilooni waarta.

Maamulka Somaliland ayaa ugu baaqay Midowga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inay si dhow ula socdaan xaaladda, isla markaana ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku boorriyaan inay ka fogaato tallaabooyinka uu ku tilmaamay kuwa sii kordhin kara xiisadaha.

Ugu dambeyn, maamulka Somaliland wuxuu sheegay inuu ka go’an yahay nabadda, wada noolaanshaha iyo xasilloonida, balse uu qaadi doono tallaabooyinka uu u arko inay lagama maarmaan u yihiin ilaalinta amniga iyo dhulka uu maamulo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles