Monday, August 3, 2026

Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika oo soo gaaray Muqdisho

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay xubno ka tirsan Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (East African Legislative Assembly EALA).

Wafdiga ayaa ka koobnaa mudanayaal baarlamaan oo ka socday Dowladaha Rwanda, Uganda, Kenya, Burundi, Koonfur Suudaan, iyo Soomaaliya, waxaana kulanka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) Mudane Maxamed Faatir.

Xildhibaannada booqashada ku yimid Soomaaliya ayaa muujiyay aragti wanaagsan oo ay si toos ah uga qaateen nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, iyagoo sidoo kale bogaadiyay horumarka muuqda ee ka socda magaalada Muqdisho.

Wasiiru-dowlaha oo ay kulanka ku wehlinayeen agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda, ayaa wafdiga u soo bandhigay mudnaanta istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya ee la xiriirta ganacsiga gobolka ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), isaga oo ugu baaqay xildhibaannada inay taageeraan dadaalladaas marka ay ka doodayaan Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EALA).

WARARKII KALE

Ruushka iyo Ukraine ayaa kordhiyay weerarada midba kan kale ku qaadayo

weerarro culus oo dhimasho iyo dhaawac sababay, iyadoo labada...

JSP oo qaadatay kuraasta golaha wakiillada iyo tan golaha deegaanka ee Galmudug

Waxaa la shaaciyay natiijada doorasho muran iyo buuq badan...

Jubbaland oo war ka soo saartay kulankii Axmed Madoobe iyo Mareykanka

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta...

RW ku xigeenka XFS Jibriil oo iska celiyay baasaboorka Kenya

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee dowladda federaalka Soomaaliya Jibriil...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

RW Xamsa oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles