Monday, August 3, 2026

RW Xamsa oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laascaanood ku qaabilay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maalintii labaad ee uu ku sugan yahay Laascaanood uu kulan miro-dhal ah la yeeshay Isimmada, kaas oo looga hadlay dowlad-dhisidda, xoojinta nabadda iyo midnimada dalka.Wuxuu bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Isimmada dhaqanku ku leeyihiin nabadeynta, dib-u-heshiisiinta iyo adkeynta wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta dadaallada lagu horumarinayo nabadda iyo dowlad-dhiska, isagoo ugu baaqay Isimmada dhaqanka inay sii laba jibaaraan kaalintooda ku aaddan xasilloonida, wada noolaanshaha iyo midnimada dalka.

WARARKII KALE

Ruushka iyo Ukraine ayaa kordhiyay weerarada midba kan kale ku qaadayo

weerarro culus oo dhimasho iyo dhaawac sababay, iyadoo labada...

JSP oo qaadatay kuraasta golaha wakiillada iyo tan golaha deegaanka ee Galmudug

Waxaa la shaaciyay natiijada doorasho muran iyo buuq badan...

Jubbaland oo war ka soo saartay kulankii Axmed Madoobe iyo Mareykanka

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta...

RW ku xigeenka XFS Jibriil oo iska celiyay baasaboorka Kenya

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee dowladda federaalka Soomaaliya Jibriil...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika oo soo gaaray Muqdisho

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles