Trump oo eedeyn u jeediyay Iran

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa hoggaanka Iiraan ku eedeeyay “laba-wejiilenimo” qoraal uu ku daabacay barta bulshada ee Truth Social.

Trump ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Hoggaanka Iiraan wuxuu leeyahay laba waji oo aan la rumaysan karin. Waxay codsadaan kulammo, wada-hadalladna way bilowdeen, waxaana sidoo kale la qorsheeyay kulammo kale oo dhici doona mustaqbalka dhow. Laakiin haddana si cad ayay u sheegaan in aanay wax wada-hadal ah jirin, isla markaana ay wada-xaajood la leeyihiin oo keliya Cummaan.”

Trump waxa kale oo ku eedeeyay Iiraan inay mar kale ku celinayso hadalkeedii caadiga ahaa, iyadoo sheegaysa inay si awood leh u maamuli doonto Marinka Hormuz, inkastoo uu sheegay in marinku uu si buuxda gacanta ugu jiro Ciidanka Badda ee Maraykanka iyo go’doomintooda.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxba ma gaaraan Iiraan ilaa aan annagu oggolaanno, waxbana ma gaari doonaan ilaa heshiis la gaaro. Haddii Iiraan ay qirato ama ay diiddo, xaqiiqadu waa inaan ka wada hadlayno xallinta dhibaato ay iyagu abuureen tobannaan sano ka hor.”

Trump ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay: “Arrintu waa mid aad u fudud: Iiraan waligeed ma yeelan doonto hub nukliyeer.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles