Shirka Khubarada Militari ee dalalka ciidamada ku taageera Midowga Afrika oo ka bilowday Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ka billowday Shirka Khubarada Militari ee Dalalka Ciidamada ku Taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo gogol-xaar u ah Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca

Shirka ayaa diiradda lagu saaray diyaarinta qorshe hawleed wadajir ah oo lagu dhaqangelinayo go’aamadii Shir Madaxeedkii Gaarka ahaa ee Dalalka Ciidamada ku Taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee Kampala ka dhacay, laguna dardargelinayo hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, wadaagista xogaha sirdoonka iyo isku-duwidda awoodaha iyo agabka ciidamada.

Guddoomiyaha Guddiga Khubarada Militari, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise, ayaa sheegay in qorshuhu xoojinayo wadajirka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, AUSSOM iyo dalalka ciidamada ku taageera hawlgalka, si loo wiiqo awoodda argagixisada loona adkeeyo amniga Soomaaliya iyo kan gobolka.

Qorshaha ay khubaradu diyaariyeen ayaa loo gudbiyay Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca si ay dib u eegis ugu sameeyaan una ansixiyaan, wuxuuna saldhig u noqon doonaa wejiga xiga ee hawlgallada lagu ciribtirayo argagixisada, laguna xaqiijinayo xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles