Tuesday, August 11, 2026

RW Xamsa oo sheegay in aysan Puntland joogin xilli ay ka sheekayso colaad gudaheeda ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in aysan Puntland joogin xilli ay ka sheekayso colaad gudaheeda ah iyo mid Soomaali dhexdeeda ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xalay hadal ka jeediyay magaalada Laascaanood ayaa tilmaamay in ay Puntland ka qaangaartay arrintaas, islamarkaana ay dib-u-dhac tahay in dhexdeeda looga sheekeeyo colaad sokeeye.

Hadalka Ra’iisul Wasaare Xamse waxaa dadka qaarkii uu fasirteen in uu ula jeedo xiisadda Gaalkacyo ee u dhexaysa Puntland iyo ciidamada PSF oo hadda ka tirsan dowladda federaalka.

Wuxuu ugu baaqay reer Puntland in ay iska ilaaliyaan labo cadow oo mid uu ku tilmaamay argagixisadda, halka kan kalana uusan magacaabin balse ku sheegay cadow diidan hurumarka dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa shacabka iyo dowladda Puntland ugu hambalyeeyay sanad-guurada 28-aad ee ka soo wareegtay asaaskii maamulka ee 1998.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa magaalada Laascaanood kaga qaybgalay munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay asaaskii maamulka Waqooyi Bari.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay...

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika...

Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Dooranaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles