Khilaafkii Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo cirka isku Shareeray

Khilaafka ka taagan guddiga loo magacaabay qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo musharrixiinta qaar ay su’aal gelinayaan sharcinimada iyo dhexdhexaadnimada guddiga.

Musharraxa u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Xildhibaan Saadaad Maxamed Nuur, ayaa sheegay in qaabka loo dhisay Guddiga Doorashada uu si cad uga hor imaanayo Qodobka 33-aad, Farqaddiisa 2-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Saadaad ayaa ku dooday in guddiga lagu daray xubno ka tirsan madaxda guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka, kuwaas oo sida uu sheegay aanu xeer-hoosaadku u oggolaanayn inay ka mid noqdaan guddiga doorashada. Wuxuu sheegay in arrintaasi dhaawici karto hufnaanta, dhexdhexaadnimada iyo kalsoonida lagu qabo geeddi-socodka doorashada.

Musharraxa ayaa ugu baaqay Guddoonka Golaha Shacabka inay dib u eegis degdeg ah ku sameeyaan guddiga, isla markaana ay waafajiyaan xeer-hoosaadka si loo xaqiijiyo in doorashadu u dhacdo si caddaalad iyo daahfurnaan leh.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli guddiga doorashada uu yeeshay guddoonkiisa, isla markaana la dardargelinayo diyaarinta doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, taas oo si rasmi ah loogu muddeeyay 10-ka Agoosto 2026.

Doodda ka dhalatay guddiga doorashada ayaa sare u qaaday xiisadda siyaasadeed ee hareysay doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay soo baxaan mowqifyo dheeraad ah oo ay qaataan musharrixiinta iyo xubnaha Baarlamaanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles