Tuesday, August 11, 2026

Taliye Ku xigeenka Ciidanka Difaaca Uganda oo soo gaaray Muqdisho

Taliye Ku xigeenka Ciidanka Difaaca Uganda, Sareeye Guud Sam Okiding, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Sareeye Guud Sam Okiding ayaa ka qeyb geli doona Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca ee Dalalka Ciidamada ku Taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga amniga, dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah argagixisada iyo taageerada Ciidanka Xoogga Dalka.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray diyaarinta qorshe hawleed wadajir ah oo lagu dhaqangelinayo go’aamadii Shir Madaxeedkii Gaarka ahaa ee Dalalka Ciidamada ku Taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee Kampala ka dhacay, laguna dardargelinayo hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, wadaagista xogaha sirdoonka iyo isku-duwidda awoodaha iyo agabka ciidamada.

Qorshaha ay khubaradu diyaariyeen ayaa loo gudbiyay Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca si ay dib u eegis ugu sameeyaan una ansixiyaan, wuxuuna saldhig u noqon doonaa wejiga xiga ee hawlgallada lagu ciribtirayo argagixisada, laguna xaqiijinayo xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay...

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika...

Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Dooranaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles