Warbaahinta The East African ayaa sheegtay in dowladda Kenya ay weli ku hayso liiska dadka aan loo oggolayn inay dalkaas galaan Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.
Sida warbixintu sheegtay, hay’adaha ammaanka Kenya ayaa hore ugu eedeeyay Jibriil Cabdirashiid inuu xiriir iyo taageero la leeyahay maleeshiyaad ka howlgala deegaannada ku dhow xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, inkasta oo eedeymahaas aysan jirin wax caddeyn rasmi ah oo si madax-bannaan loo xaqiijiyay.
Warbixintu waxay xustay in Jibriil Cabdirashiid hore looga celiyay Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, kaddib markii dowladda Kenya ay sheegtay in arrimo la xiriira dhalashada iyo baasaboorka Kenya ay jiraan.
Rw ku xigeenka Jibriil ayaa dhawaan wareejiyay baasaboorkii Kenya ee uu haystay, taasoo ka dambeysay murankii ka dhashay xaq u lahaanshihiisa dhalashada iyo dokumentiyada safarka.
Si kastaba ha ahaatee, tallaabadaas kama aysan beddelin go’aanka Kenya ee ah in magaciisa uu weli ku jiro liiska dadka aan loo oggolayn inay gudaha u galaan dalka.
The East African ayaa sheegtay in hay’adaha ammaanka Kenya ay wali la socdaan xaaladda Jibriil Cabdirashiid, iyagoo ku saleynaya walaacyo amni oo ay ka qabaan dhaqdhaqaaqyada ka dhaca xuduudda labada dal.
Dhinaca kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin warbixintan cusub ama eedeymaha ay Kenya soo bandhigtay ee ku saabsan Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad.


