Thursday, August 6, 2026

Xuutiyiinta oo weerar ku dilay ugu yaraan 30 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Yemen

Ugu yaraan 30 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Yemen ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarro ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen xerooyin militari oo ku yaalla bartamaha Yemen.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku dhaceen dhowr xero oo ay maamulaan Ciidamada Gurmadka Degdegga ah, kuwaas oo ku yaalla aagga al-Ruwaik ee gobolka Marib iyo aagga al-Abr ee gobolka Hadramawt.

Wasiirka Caafimaadka, Qasim Bahibah, ayaa cambaareeyay weerarkaas “khiyaanada ah”, isagoo sheegay in looga gol-lahaa in lagu wiiqo amniga iyo xasilloonida. Ma uusan shaacin tirada dadka ku dhintay weerarka.

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta, oo gacanta ku haya inta badan waqooyi-galbeed ee Yemen isla markaana ay taageerto Iran, ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen “ciidamo militari oo waaweyn oo Sacuudigu soo daabulay” kuwaas oo u diyaar-garoobayay weerar dhanka milatariga ah. Isbaheysi uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa taageerayay dowladda intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee dalka ka socday.

Ma jirin wax hadal ah oo degdeg ah oo ka soo baxay isbaheysiga ama dowladda Sacuudiga.

Yemen waxaa ragaadiyay dagaal sokeeye oo billowday sanadkii 2014-kii, markaas oo Xuutiyiintu ay xukunka ka tuureen dowladdii fadhigeedu ahaa caasimadda ee Sanca. Colaadda ayaa sii xoogeysatay sanadkii 2015-kii, ka dib markii isbaheysi Carbeed oo uu hoggaaminayo Sacuudigu ay soo farageliyeen xaaladda iyagoo isku dayaya inay soo celiyaan maamulkii dowladda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha wasiirada oo lagu amray in ay ku safraan Baasaboorka Soomaaliya

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagaga hadlay xaaladda...

Kenya oo weli Liiska Dadka aan loo oggolayn ku haysa RW Ku-xigeenka Labaad ee Soomaaliya

Warbaahinta The East African ayaa sheegtay in dowladda Kenya...

Puntland oo war ka soo saartay la wareegista xerada PSF ee Boosaaso

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula...

Dowladda Soomaaliya oo ka qayb gashay Furitaanka shir heer Wasiiro ah kaas oo looga hadlayay arrimaha Quddus

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdi Salaan Cali Dhaay, ayaa...

Ciidamada Puntland oo la wareegay xerada PSF ee Boosaaso

Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa saaka si rasmi ah ula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles