Deni oo gaaray Gaalkacyo kadib markii uu ka adkaaday Ciidankii PSF

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono qaybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha amniga iyo maamulka labada heer ee magaalada.

Safarka Madaxweyne Deni ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta amniga iyo kala dambaynta Gobolka Mudug, iyadoo sidoo kale la filayo in dib-u-eegis lagu sameeyo xaaladda maamulka, adeegyada bulshada iyo mashaariicda horumarineed ee gobolka.

Tagista Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii ciidamada Puntland ay la wareegeen xeryihii Puntland  PSF ee magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso, kaddib xiisad iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo muddooyinkii lasoo dhaafay ka jiray Puntland.

Dhanka kale, waxaa isbeddel ku yimid xaaladda ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugnaa Gobolka Mudug. Qaar kamid ah ciidamadaasi ayaa u gudbay dhanka Galmudug, halka ciidamo kale ay weli ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan gobolka.

Sidoo kale, waxaa maanta dhammaaday muddadii laba maalmood ahayd ee ay Puntland u qabatay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan deegaannada Puntland, iyadoo loogu baaqay inay isu soo dhiibaan oo ay ku biiraan ciidamada Puntland.

Xaaladda Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug ayaa hadda si weyn isha loogu hayaa, iyadoo kulamada Madaxweyne Deni iyo saraakiisha amniga lagu qiimeyn doono tallaabooyinka xiga ee la xiriira amniga, kala dambaynta iyo maamulka gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan wax-ku-ool ah kula yeeshay magaalada New York Dhigiisa Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Trump oo garaadka macmalka ee AI u bixiyay magac cusub

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa ku bixiyay magac...

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo Qaabilay U-qaybsanaha Difaaca Mareykanka

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji,...

Shirka Golaha guud ee Q.M oo furmay iyo Guterres oo fariin u diray dunida

Waxaa si rasmi ah u furmay shirka Golaha Guud...

RW Xamsa Abdi Barre oo la kulmay Taliyaha Difaaca Cirka Pakistan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles