Puntland oo sheegtay in ay la wareegtay xero ciidan oo ku taalla Carmo

Maamulka Puntland ayaa sheegay in maanta ay ‘si rasmi ah’ ula wareegeen talis ciidan oo ku yaalla magaalada Carmo, kaas oo ay hore u deggenaayeen “maleeshiyaad hubaysan”

Puntland ayaa sheegtay in ciidamada deganaa xerada ay “degaannada Puntland ka wadeen falal lagu khal-khalgalinaayo amniga iyo xasiloonida bulshada”.

Puntlandl ayaa ku tilmaamaantay la wareegista xeradaan inay qayb ka tahay tallaabooyin ay ku xaqiijinayaan “amniga, kala dambeynta iyo awoodda hay’adaha dowliga ah ee deegaannada Puntland.

Tallaabadaan ayaa imaanaysa iyada oo dhawaan Puntland ay dagaal kula wareegeen xeradii ciidamadii PSF ee magaalada Galkacyo, kadibna ay sheegeen in ay la wareegeen xeradii PSF ee Boosaaso.

Qoraalka ayaa u qornaa sidan:-

WAR-SAXAAFADEED

Carmo, Agoosto 08, 2026: Dawladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay talis ciidan oo ku yaalla magaalada Carmo, kaas oo ay hore u deggenaayeen maleeshiyaad hubaysan kuwaas oo degaannada Puntland ka waday falal lagu khal-khalgalinaayo amniga iyo xasiloonida bulshada.

La wareegista taliska ayaa qayb ka ah tallaabooyinka ay Dawladda Puntland ku xaqiijinayso amniga, kala dambeynta iyo awoodda hay’adaha dowliga ah ee deegaannada Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa si buuxda ula wareegay xarunta, waxaana la xaqiijiyey amnigeeda iyo maamulka goobta, iyadoo la faray dhammaan dhinacyada hubaysan inay u hoggaansamaan hay’adaha sharciga ah ee Dawladda Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa si buuxda ula wareegay xarunta, waxaana la xaqiijiyey amnigeeda iyo maamulka goobta, iyadoo la faray dhammaan dhinacyada hubaysan inay u hoggaansamaan hay’adaha sharciga ah ee Dawladda Puntland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan wax-ku-ool ah kula yeeshay magaalada New York Dhigiisa Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Trump oo garaadka macmalka ee AI u bixiyay magac cusub

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa ku bixiyay magac...

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo Qaabilay U-qaybsanaha Difaaca Mareykanka

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji,...

Shirka Golaha guud ee Q.M oo furmay iyo Guterres oo fariin u diray dunida

Waxaa si rasmi ah u furmay shirka Golaha Guud...

RW Xamsa Abdi Barre oo la kulmay Taliyaha Difaaca Cirka Pakistan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles