Saturday, August 8, 2026

Deni oo gaaray Gaalkacyo kadib markii uu ka adkaaday Ciidankii PSF

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono qaybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha amniga iyo maamulka labada heer ee magaalada.

Safarka Madaxweyne Deni ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta amniga iyo kala dambaynta Gobolka Mudug, iyadoo sidoo kale la filayo in dib-u-eegis lagu sameeyo xaaladda maamulka, adeegyada bulshada iyo mashaariicda horumarineed ee gobolka.

Tagista Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii ciidamada Puntland ay la wareegeen xeryihii Puntland  PSF ee magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso, kaddib xiisad iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo muddooyinkii lasoo dhaafay ka jiray Puntland.

Dhanka kale, waxaa isbeddel ku yimid xaaladda ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugnaa Gobolka Mudug. Qaar kamid ah ciidamadaasi ayaa u gudbay dhanka Galmudug, halka ciidamo kale ay weli ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan gobolka.

Sidoo kale, waxaa maanta dhammaaday muddadii laba maalmood ahayd ee ay Puntland u qabatay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan deegaannada Puntland, iyadoo loogu baaqay inay isu soo dhiibaan oo ay ku biiraan ciidamada Puntland.

Xaaladda Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug ayaa hadda si weyn isha loogu hayaa, iyadoo kulamada Madaxweyne Deni iyo saraakiisha amniga lagu qiimeyn doono tallaabooyinka xiga ee la xiriira amniga, kala dambaynta iyo maamulka gobolka.

WARARKII KALE

Ciidamo cusub oo ka mid noqonaya Gorgor oo tababar loogu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal...

NISA oo Muqdisho ku qabatay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta...

Booliska Soomaaliland oo war ka soo saaray qaraxii ka dhacay Hargeysa

Xalay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxaa ka dhacay...

Xuutiyiinta Yemen oo qaaday weerar dhimasho badan sababay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay gobolka Marib...

Fahad Yaasiin oo ka falceliyay heshiiska Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Taliyihii hore ee Nabad Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasin oo...

Iran oo ku baaqday in dalalka Muslimiintu midoobaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Caraqji, ayaa sheegay in...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles