Monday, August 10, 2026

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Dooranaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid xarunta Golaha Shacabka, halkaas oo lagu wado in ay u codeeyaan Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada), iyadoo cod-bixintu noqon doonto mid qarsoodi ah.

Hoolka ay ka dhacayso doorashada ayaa waxaa si tartiib ah ugu sii qulqulaya xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo la filayo in cod-bixinta iyo tirinta codadka ay soo afjaraan loollanka labada musharrax.

Si kastaba, qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa weli ka hor yimid habka loo qabanayo doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana taagan dood siyaasadeed oo ku saabsan sharciyadda iyo waqtiga doorashada.

Musharraxa ku guuleysta doorashada maanta ayaa noqonaya Guddoomiyaha 8-aad ee Golaha Shacabka tan iyo sannadkii 2000, wuxuuna beddeli doonaa Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo loo doortay hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Natiijada doorashada ayaa si weyn loo sugayaa, iyadoo Guddoomiyaha cusub uu hoggaamin doono Golaha Shacabka xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, khilaafaadka siyaasadeed iyo jihada mustaqbalka dalka.

Loollanka Jaamac iyo Daada ayaa hadda si weyn indhaha loogu hayaa, waxaana la sugayaa cidda heli doonta codadka ugu badan ee xildhibaanada.

WARARKII KALE

RW Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay...

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika...

Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan...

Deni oo shaaciyay inuusan u tartami doonaan xilka madaxtinimada Puntland

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay magaalada Gaalkacyo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 08 2026.

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles