Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib doorasho ka dhacday xarunta Golaha Shacabka.
Cabdulqaadir Jaamac ayaa helay 142 cod, halka musharraxii la tartamayay, Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada), uu helay 30 cod.
Doorashadan ayaa ka dhacday xilli Golaha Shacabka uu galay marxalad cusub oo hoggaamineed, kaddib markii uu xilka guddoomiyaha banneeyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), kaas oo loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa horey uga soo noqday Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre xilal ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.


