Tuesday, August 11, 2026

Janan iyo ciidankiisa oo ku biiray Jubbaland iyo DF oo loogu adkaaday Gobolka Gedo

Taliyihii Nabad sugida ee Gobolka Gedo ugu magacownaa DF Cabdirashiid Janan ayaa saaka la sheegay inuu biiray maamulka Jubbaland, kadib wadahadalo maalmahan uu la lahaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Janan ayaa saaka saf geliyay ciidanka uu maamulayay ee DF, kuwaasi oo ku sugnaa xerada UK ee duleedka magaalada Beledxaawo, isagoona ciidanka ku wargeliyay inuu dhammaaday khilaafkii kala dhexeeyay Jubbaland.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Jubbaland ay ogolaatay in ay bixiso mushaarka ciidamada halkaasi ku sugan, kuwaasi oo la sheegay in muddo aysan mushaar ka helin DF.

Tallaabadan ayaa loo arkaa isbeddel weyn oo ku yimid loollanka siyaasadeed iyo amni ee ka taagan gobolka Gedo, iyadoo Janan uu muddooyinkii dambe ahaa shaqsi muhiim ah oo ay Dowladda Federaalka ku tiirsaneyd marka laga hadlayo joogitaankeeda Baladxaawo.

Cabdirashiid Janan ayaa la sheegay inuu saaka la hadlay ciidamadii uu hoggaaminayay, isagoo u sheegay inay dowladda Federaalka ka daacad ahayn arrimaha Jubbaland.

Janan ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inuu ku eedeeyay qaar kamid ah saraakiisha amniga iyo madaxda Dowladda Federaalka inay arrimaha dalka ka eegayaan dano gaar ah iyo dano qabaa’ileed.

Hadalladan ayaa imanaya xilli uu muddo dheer ka jiray khilaaf u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Jubbaland, gaar ahaan cidda maamulaysa gobolka Gedo iyo ciidamada ku sugan halkaasi.

Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa inay aqbashay in ciidamadan ay kusoo biiraan safkeeda, iyadoo sidoo kale la sheegay inay diyaar u tahay bixinta mushahaarada iyo xuquuqda ciidamada.

Arrintan ayaa ka dhigaysa in Axmed Madoobe iyo Jubbaland ay helaan taageero ciidan oo cusub oo ku sugan mid kamid ah meelaha ugu istaraatiijisan gobolka Gedo.

Baladxaawo oo ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa leh muhiimad gaar ah oo dhinaca amniga, siyaasadda iyo ganacsiga ah.

Ku biirista Janan iyo ciidamadiisa ee Jubbaland waxay wax ka beddeli kartaa miisaanka awoodda ee Baladxaawo, iyadoo Jubbaland ay muddo dheer ku doodaysay in gobolka Gedo uu yahay qayb kamid ah dhulkeeda maamul.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna muddooyinkii dambe dadaal xooggan ku bixisay inay xoojiso joogitaankeeda Gedo, gaar ahaan Baladxaawo.

WARARKII KALE

Uganda oo Ciidamada Afrika isugu Keentay Kampala, Soomaaliya iyo AUSSOM oo laga arrinsanayo

Dowladda Uganda ayaa magaalada Kampala ka furtay shir muhiim...

Puntland oo sheegtay in la soo afjaray wejigii koowaad howlgalkii ka socday Mudug

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa si rasmi ah u soo...

Xuutiyiinta ayaa gantaallo ku weeraray magaalada Mukha ee Yeman

Ciidamo taabacsan dowladda Yeman ayaa sheegay in xoogagga Xuutiyiintu...

Wasiir Fiqi oo Isbitaalka Madiina ku Booqday Askarta CXDS ee ku Dhaawacmay Weerarkii Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Cumaan oo sheegtay in ay tallaabo ka qaaddayso xakamaynta saliid ku daadatay xeebaha koonfureed

Dowladda Cumaan ayaa Isniintii sheegtay inay waddo dadaallo lagu...

Trump oo sheegay inuu u jawaabi doono Netanyahu

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu dhawaan jawaab...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles