Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay go’aanka ay Dowladda Kolombiya ku aqoonsatay sheegashada Israa’iil ee ku aaddan madax-bannaanida Buuraleyda Golan.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in aqoonsi kasta oo noocaas ah uu yahay mid aan waxba ka jirin, isla markaana uu ka hor imaanayo sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Soomaaliya waxay sheegtay in Buuraleyda Golan ay yihiin dhul Suuriyaan ah oo ay Israa’iil haysato, iyadoo xustay in mowqifka Soomaaliya uu ku saleysan yahay dhowrista madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dowladaha.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale taageertay in khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Suuriya lagu xalliyo wada-hadal iyo u hoggaansamidda qaraarrada Qaramada Midoobay ee khuseeya arrinta Golan.
Soomaaliya waxay tilmaantay in qaraarrada Qaramada Midoobay ay xaqiijinayaan xaqa Suuriya u leedahay in dib loogu soo celiyo dhulkeeda la haysto, iyadoo lagu saleynayo xuduudihii jiray ka hor dagaalkii 1967.
Ugu dambeyn, Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dowladaha caalamka, oo ay ku jirto Kolombiya, inay dhowraan sharciga caalamiga ah, ixtiraamaan madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dowladaha, ayna ka fogaadaan aqoonsiga dhulalka la haysto.


