Saturday, August 15, 2026

DF oo shaacisay natiijada imtixaanka fasalka 12-aad

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiyada sare, sannad-dugsiyeedka 2025/2026. 

Wasaaradda ayaa caddeysay in 40,037 arday ay ku guuleysteen imtixaanka, halka 2,879 arday ay ku harreen.

Imtixaanka shahaadiga ah ee qaranka ayaa sanadkan ka qabsoomay guud ahaan gobollada dalka, iyadoo Wasaaraddu sheegtay in imtixaanku u dhacay si habsami leh oo hufnaan leh.

Munaasabadda lagu shaacinayay natiijada imtixaanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, guddiga tacliinta, xubno ka socday Gobolka Banaadir iyo marti-sharaf kale.

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in si degdeg ah imtixaan looga qaadi doono ardaydii duruufaha kala duwan awgood uga haray imtixaanka, kuwaas oo xogtooda iyo diiwaankooda ay Wasaaraddu hayso.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay saddexda arday ee kaalmaha ugu sarreeya ka galay imtixaanka qaranka ee dugsiyada sare.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray ardayda kaalmaha hore galay, isagoo ku bogaadiyay dadaalkii, juhdigii iyo hagar-la’aantii ay muujiyeen intii ay ku guda jireen waxbarashadooda.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku wargeliyay ardayda kaalmaha hore galay iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay damaanad qaadday dhammaan kharashaadka waxbarasho ee ardaydaasi ay jaamacadaha ku geli doonaan. 

WARARKII KALE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee cusub oo maanta ku guddoomiyay shirka Golaha Shacabka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga...

Xamsa oo taleefoon kula hadlay ardayda kaalmaha hore ka galay Imtixaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal...

Koox TikTok u adeegsanaysay iibinta khamriga oo lagu qabtay Gobolka Bari

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa shaaciyay...

Uganda oo sheegtay in Ciidamadeedu sii Joogayaan Soomaaliya

Wasiirka Difaaca iyo Arrimaha Ciidamada Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa...

Trump oo codsi u diray maxkamada sare ee Maraykanka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka codsaday Maxkamadda Sare...

Gen. Jimcaale oo la heshiiyay Deni

Gen. Jimcaale Jaamac Takar, oo hoggaamiya ciidamada Danab ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles