Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka ambabaxaya magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa, isaga oo kusii jeeda magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Madaxweynaha ayaa safarkiisa Gaalkacyo ku maraya dhulka, waxaana qorshuhu yahay inuu marka hore booqdo Taliska Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee deegaanka Xananbuure, halkaas oo lagu soo xirayo tababar loo sameeyay cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda.
Kadib booqashada Xananbuure, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sii wadan doona safarkiisa dhanka Gaalkacyo, iyadoo booqashadan ay kusoo beegmaysa xilli xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Gobolka Mudug si weyn isha loogu hayo.
Madaxweynaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Dhuusamareeb, halkaas oo uu kulamo iyo munaasabado kala duwan uga qeyb galay, isagoo sidoo kale ka hadlay xaaladda amniga, dowlad-dhiska iyo horumarka Galmudug.
Safarka Gaalkacyo ayaa noqonaya mid si gaar ah loo hadal hayo, maadaama magaalada iyo guud ahaan Gobolka Mudug ay muddooyinkii dambe ka jireen xiisado amni iyo siyaasadeed oo la xiriira ciidamada dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.
Waxaa la filayaa in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay magaalada Gaalkacyo ku yeeshaan kulamo la xiriira xaaladda gobolka iyo arrimaha amniga.
Dhanka kale Puntland ayaa heegan sare gelisay ciidamadeeda ku sugan magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.


