Hoggaamiyaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa magaalada Jowhar ee caasimada Dowladda Hirshabeelle waxa uu ku qaabilay wafdi ka socday Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo uu hoggaaminayay Safiirka u joogo Soomaaliya Danjire Cusmaan Dubad.
Ugu horeyn safiirka ayaa Hoggaamiyaha Hirshabeelle soo gaarsiiyay dhambaal hambalyo ah oo ka siday Dowladda iyo shacabka Jabuuti oo ku aadan hoggaanka Hirshabeelle ee dhawaan ku guulleystay doorahada qof iyo codka ah.
“Waan ka mahadcelinayaa safarka walaalnimo ee aad soo gasheen iyo garabka aad u tihiin Soomaali oo dhan iyo Hirshabeelle. Hiil walaal waxay doorweyn ka qaateen nabaddeenta Hirshabeelle markale waxaan uga mahadcelinayaa madaxweyne Ismaaciil Cumar iyo shacabkiisa.”
Wafdiga Danjire Cusmaan Dubad uu hoggaaminayey ayaa ka qeybgalay munaasabadii lagu caleema-saaray Hoggaamiye Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo ku-xigeenkiisa Cabdifataax Xasan Afrax.


