Monday, August 17, 2026

Somaliland oo war ka soo saartay booqashada QM ee magaalada Laascaanood ee Waqooyi Bari

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay weli ka goโ€™an tahay fududeynta gaarsiinta gargaarka baniโ€™aadannimo dhammaan dadka u baahan, oo ay ku jiraan bulshada ku nool Laascaanood.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland waxay sheegtay in booqashooyinka saraakiisha sare ee Qaramada Midoobay ee goobaha xasaasiga ah ee dhinacyada siyaasadda iyo amniga ay tahay in lagu maro habraacyada diblomaasiyadeed ee jira.

Waxay intaas ku dartay in booqashooyinka noocaas ah loo baahan yahay in dowladda Somaliland horay loogu sii wargeliyo, lagala tashado, isla markaana lala sameeyo isku-duwid rasmi ah.

Somaliland waxay sheegtay inay qiimeyso xiriirka iyo iskaashiga muddada dheer ee ay la leedahay Qaramada Midoobay, iyadoo xustay inay doonayso in wada-shaqayntaasi ay sii socoto.

Somaliland waxay sidoo kale sheegtay inay filayso in mustaqbalka si buuxda loo dhowro habraacyada diblomaasiyadeed iyo waddooyinka rasmiga ah ee isgaarsiinta.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo Ku-simaha Madaxweynaha uu xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isuduwaha Arrimaha Gargaarka baniโ€™aadannimada George Conway.โ€Žโ€ŽKulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqaynta dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles