Xamaas ayaa ka codsatay Guddiga Nabadda ee Madaxweyne Donald Trump inuu cadaadis saaro Israaโiil si ay u aqbasho heshiiska nabadeed ee Qasa ee uu taageerayo Mareykanku.
Kooxda ayaa war-saxaafadeed soo saartay kadib markii mid ka mid ah hoggaamiyayaasheeda uu Masar kula yeeshay wadahadallo dhif iyo naadir ah Jared Kushner, oo ah wiilka uu soddogga u yahay Madaxweyne Trump.
Xamaas ayaa sheegtay inay fulisay marxaladdii koowaad ee qorshaha, taas oo dhigaysa in ciidamada Israaโiil ay ka baxaan Qasa, isla markaana dib-u-dhis lagu sameeyo dhulka, iyadoo maamulka Qasa loo wareejinayo maamul rayid ah oo cusub.
Hase yeeshee, Israaโiil ayaa qorshahan diidday toddobaad ka hor, iyadoo sheegtay in shuruudda ugu horreysa ay tahay in Xamaas ay si buuxda u dhigto hubka.


