Tuesday, August 18, 2026

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, kaddib markii siddeed nin oo hubeysan ay fuuleen markabka, sida ay sheegtay Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK (UKMTO).

UKMTO ayaa sheegtay in dhacdadu ka dhacday qiyaastii 4 mayl-badeed koonfurta deegaanka Mareeyo ee Soomaaliya, halkaas oo ragga hubeysan ay markabka ku fuuleen, kadibna ay la wareegeen gacan-ku-hayntiisa.

Sida lagu sheegay digniinta, Sarkaalka Amniga Shirkadda ee markabka ayaa UKMTO u sheegay in siddeed qof oo hubeysan oo aan loo fasixin ay gudaha u galeen markabka, isla markaana ay gacanta ku dhigeen.

UKMTO weli ma shaacin magaca ama cidda iska leh markabka, sidoo kalena ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan xaaladda shaqaalaha markabka.

Dhacdada ayaa loo aqoonsaday afduub markab (hijacking), waxaana maraakiibta kale ee ku sugan aagga loogu baaqay inay si taxaddar leh u maraan.

Dhacdadan ayaa walaac cusub ka abuureysa amniga xeebaha Soomaaliya, xilli ay mar kale soo baxayaan dhacdooyin la xiriira afduubka iyo weerarrada lagu qaado maraakiibta.

Burcad-badeednimada Soomaaliya ayaa si weyn uga jirtay xeebaha dalka intii u dhexeysay 2008 iyo 2018, balse weerarrada ayaa hoos u dhacay kadib tallaabooyin amni oo ay qaadeen Soomaaliya iyo ciidamada badda ee caalamka.

Si kastaba, dhacdooyinka burcad-badeednimada ayaa mar kale soo muuqday tan iyo dhammaadkii 2023, iyadoo sanadkan 2026 ay hay’adaha amniga badda soo saareen digniino dhowr ah oo ku saabsan afduubyo iyo dhaqdhaqaaqyo looga shakisan yahay kooxaha burcad-badeedda. UKMTO ayaa horey u diiwaangelisay dhacdooyin afduub ah oo ka dhacay meel u dhow Mareeyo iyo Garacad.

WARARKII KALE

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

Erdogan oo door ka qaadanaya joojinta colaadda Iran iyo Mareykanka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip ErdoÄŸan ayaa khadka taleefanka kula...

Natiijada doorashada Zambia oo la shaaciyay

Guddiga Doorashooyinka Zambia ayaa sheegay in Madaxweyne Hakainde Hichilema...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles