Wednesday, April 1, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Furay Shirweynaha 7AAD Ee Garsoorka Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dib-u-eegista iyo dhameystirka Cutubka 9-aad ee Dastuurka ay aasaas u tahay helidda nidaam garsoor oo la jaanqaadaya baahiyaha bulshada iyo dib u kabashada dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay guulaha la taaban karo ee sanadihii la soo dhaafay laga gaaray horumarinta garsoorka dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin, shaqaaleysiinta howl-wadeenno cusub oo loo maray hannaan tartan furan oo cadaalad ah iyo hirgelinta nidaamka elektarooniga ah ee dacwadaha, kaas oo si joogto ah loo horumarinayo si loo dedejiyo habsami u socodka adeegyada garsoorka.

“Dowladdu waxa ay si weyn uga shaqeynaysaa in cutubka ku saabsan Garsoorka uu noqdo mid [sida ugu wanaagsan] u qaabeeya arrimaha garsoorka, iyada oo la hubinayo in dastuurku uu saldhig u noqdo garsoor casri ah oo dabooli kara baahida caddaaladda ee bulshada”.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay dowladda dhammeystirka dhismaha nidaam garsoor oo casri ah, hufan oo ay saldhig u tahay shareecadda Islaamka, isagoo soo bandhigay tallaabooyinka lagu xaqiijinayo oo ay ka mid tahay dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah, sare u qaadidda miisaaniyadda hay’adaha garsoorka iyo baahinta adeegga garsoorka dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay wasiirada Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed...

Askar ka tirsan DFS oo Nabadoon ku dilay deegaanka Lambar 50

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Xulka Qaranka kaddib guul taariikhi ah oo ay ka gaareen AFCON 2027

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo...

Trump oo war cusub ka soo saaray dagaalka Iran

Madaxweyne Trump ayaa u sheegay weriyayaasha in Maraykanku uu...

NISA oo burburisay xarumo Al-Shabaab ku lahaayeen Shabeellooyinka

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles