Booliska oo beeniyay inuu dil ka dhacay Saldhiga Waabari

Booliiska Soomaaliya ayaa beeniyay wararka sheegaya in qof shacab ah lagu dilay afaafka hore ee Saldhigga Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Qoraal ka soo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in Askarta Saldhigga Waaberi ay soo xireen eedeysane lagu magacaabo Farxaan Ibraahim Abshir, kaas oo loo haystay eedeymo la xiriira falal sharci-darro ah.

Booliiska ayaa sheegay in xilli eedeysanaha la hayay uu isku dayay inuu qoriga ka qabsado mid ka mid ah Askarta Saldhigga, kadibna uu dhacay isku dhac sababay in xabbad si kama’ ah uga fakatay qoriga, taas oo garabka kaga dhacday eedeysanaha.

Sida uu Booliisku sheegay, Farxaan Ibraahim Abshir ayaa soo gaaray dhaawac fudud, waxaana loo qaaday isbitaal si loo siiyo daryeel caafimaad.

Booliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale caddeeyay in baaritaan lagu hayo dhacdada iyo sida ay xabbaddu u dhacday, iyadoo lagu adkeeyay in aysan jirin mayd laga soo saaray Saldhigga Degmada Waaberi, sida lagu faafiyay wararka qaarkood.

Booliisku waxay sheegeen in baaritaanka dhacdada uu socdo, islamarkaana wixii kasoo kordha ay bulshada la wadaagi doonaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Wasiirrada oo ka hadlay amniga iyo la-dagaallanka Alshabaab

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Xiriirka kubada cagta Yurub oo wada dacwad ka dhana madaxweynaha FIFA

Xiriirka u dhexeeya madaxweynaha UEFA, Aleksander Čeferin (bidix), iyo...

Booliska Nepal oo shaaciyey dhimasho hor leh

Booliska Nepal oo shaaciyey dhimasho hor leh Tirada dadka...

IMO oo ka digtay soo laabashada burcad-badeedda Soomaaliya

Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO) ayaa ku baaqday...

Al-Shabaab oo sii daysay 5 xoolo-dhaqato Kenyan ah oo laga afduubtay Mandera

Shan xoolo-dhaqato ah oo Kenyan ah, kuwaas oo la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles