DFS oo dib u furtay Garoonka Doolow kadib labo sano oo xirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furtay Garoonka Diyaaradaha Doolow, kaas oo muddo ku dhow labo sano u xirnaa khilaaf siyaasadeed iyo is-maandhaaf u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo maamulka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in duulimaadkii ugu horreeyay ee garoonka Doolow lagu wado inuu berri ka soo dego magaalada, iyadoo dowladda aysan xilligan wax shuruudo ah ku xirin dib u furitaanka garoonka.

Garoonka Doolow ayaa dhowr jeer hore loo isku dayay in dib loo furo, hase yeeshee waxaa la sheegay in shuruudo ay Dowladda Federaalka dalbatay ay diideen maamulka magaalada. Khilaafkaasi ayaa ugu dambeyn sababay in garoonku muddo dheer xirnaado.

Xogta la helayo ayaa sidoo kale tilmaamaysa in saraakiil hore uga tirsanaa Taliska NISA ay door ku lahaayeen qorshihii xiritaanka garoonka, iyagoo Dowladda Federaalka u sheegay in xiritaanka garoonku uu sahli karo in magaalada Doolow ay si buuxda ugu soo wareegto gacanta Villa Soomaaliya. 

Si kastaba ha ahaatee, qorshayaashaas ayaa la sheegay in ay fashilmeen, iyadoo maamulka deegaanka iyo gaar ahaan Lafey uu ka hor istaagay isku dayadaas.

Garoonka Doolow wuxuu ahaa il dhaqaale oo muhiim u ah bulshada deegaanka, waxaana adeegyada garoonka si weyn ugu tiirsanaa ganacsatada, dadka safarka ah iyo bulshada ku nool gobolka.

Dhinaca kale, dadka deegaanka ayaa muddo dheer ka cabanayay in garoonka loo adeegsaday arrimo siyaasadeed, taas oo keentay in adeeg muhiim u ahaa bulshada uu hakad galo.

Dib u furitaanka garoonka ayaa hadda loo arkaa guul siyaasadeed oo u soo hoyatay maamulka Doolow, kaas oo horey u diiday dhaqaale malaayiin dollar ah iyo xilal la sheegay in loogu bandhigay in uu taageero ama aqbalo aragtida Dowladda Federaalka.

Maamulka ayaa markii uu diiday dalabaadyadaas, sida xogaha la helayo ay sheegayaan, wajahday tallaabooyin ay ka mid ahayd xiritaanka garoonka magaalada.

Dib u furitaanka garoonka ayaa haddii uu si rasmi ah u dhaqan galo berri, meesha ka saari kara caqabaddii muddo labada sano ah ka jirtay isu socodka hawada ee Doolow, waxaana la filayaa inuu dib u soo nooleeyo dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo dhaqaale ee magaalada.

WARARKII KALE

Trump oo bogaadiyay heshiis taariikhi ah oo Mareykanka uu ku maamulayo 65 bilyan oo fuusto oo saliidda Venezuela ah

Trump oo bogaadiyay heshiis taariikhi ah oo Mareykanka uu...

DFS oo ciidan suga amniga Aadan Madoobe ka dejisay Baydhabo

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Baydhaba ka dejisay ciidamadii...

Turkiga oo xoog ku soo furtay markabka MV LATUF oo ay haysteen Burcadbadeed Soomaali ah

Ciidanka Badda Turkiga oo iskaashi dhow la sameynayay Ciidanka...

Uganda oo ku dhawaaqday inay ciidamadeeda Soomaaliya kala bixi doonto Agoosto 2027

Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay...

Duulimaadkii ugu horreeyay oo maanta lagu wado inuu ka dego Garoonka Doolow

Duulimaadkii ugu horreeyay ayaa maanta lagu wadaa inuu ka...

Baydhabo oo dhaq dhaqaaq ciidan ka socda iyo cabsi laga qabo weerar ay soo qaadaan ciidamada Laftagareen

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Ciidanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles