Hogaamiyaha Xisbullah oo mar kale diiday heshiiskii Lubnaan iyo Israa’iil

Naciim Qaasim, xoghayaha guud ee Xisbullaah Lubnaan, ayaa mar kale diiday heshiiska ay Lubnaan iyo Israa’iil gaareen, isagoo sheegay in kooxda taageerada ka hesha Iiraan aysan diyaar u ahayn inay “is dhiibto”.

“Waxaan ka soo horjeednaa heshiiska qaab-dhismeedka ah, waxaana dalbanaynaa in la joojiyo,” ayuu ku sheegay khudbad laga sii daayay telefishinka Al-Manar ee Xisbullaah.

Lubnaan iyo Israa’iil ayaa wada-hadallo toos ah bilaabay, iyadoo uu Maraykanku dhexdhexaadinayo, kaddib markii uu dagaalku billowday 2-dii Maarso, markaas oo Xisbullaah uu weerar ku qaaday Israa’iil. Weerarka ayaa waxaa xigay duqeymo ballaaran oo Israa’iil ka fulisay Lubnaan iyo duullaan dhulka ah.

Mas’uuliyiinta Lubnaan ayaa sheegay in in ka badan 4,300 oo qof lagu dilay dagaalka.

Wada-hadalladii dhacay dabayaaqadii June ayaa labada dhinac ku gaareen heshiis qaab-dhismeed ah, kaas oo dhigaya in Xisbullaah hubka laga dhigo, ciidamada Israa’iilna si tartiib-tartiib ah uga baxaan koonfurta Lubnaan, iyadoo ciidamada Lubnaan la geynayo deegaannadaas.

Hannaanka ayaa lagu wadaa inuu ka bilaabmo goobo tijaabo ah.

Naciim Qaasim ayaa heshiiska ku tilmaamay “mid aan sharci ahayn, sharci-darro ah, bahdilaad ah oo dhaawacaya madaxbannaanida Lubnaan”, isagoo sidoo kale sheegay in Xisbullaah uu diidan yahay goobaha tijaabada ah iyo hannaan kasta oo lagu xaqiijinayo fulinta heshiiska.

Waxa uu sidoo kale taageeray in la dhaqan-geliyo xabbad-joojintii November 2024 ee lagu soo afjaray dagaalkii hore ee u dhexeeyay Xisbullaah iyo Israa’iil. “Waxaan madaxyadeenna kor u hayn doonnaa, mana is dhiibayno,” ayuu yiri.

WARARKII KALE

Trump oo bogaadiyay heshiis taariikhi ah oo Mareykanka uu ku maamulayo 65 bilyan oo fuusto oo saliidda Venezuela ah

Trump oo bogaadiyay heshiis taariikhi ah oo Mareykanka uu...

DFS oo ciidan suga amniga Aadan Madoobe ka dejisay Baydhabo

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Baydhaba ka dejisay ciidamadii...

Turkiga oo xoog ku soo furtay markabka MV LATUF oo ay haysteen Burcadbadeed Soomaali ah

Ciidanka Badda Turkiga oo iskaashi dhow la sameynayay Ciidanka...

Uganda oo ku dhawaaqday inay ciidamadeeda Soomaaliya kala bixi doonto Agoosto 2027

Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay...

Duulimaadkii ugu horreeyay oo maanta lagu wado inuu ka dego Garoonka Doolow

Duulimaadkii ugu horreeyay ayaa maanta lagu wadaa inuu ka...

Baydhabo oo dhaq dhaqaaq ciidan ka socda iyo cabsi laga qabo weerar ay soo qaadaan ciidamada Laftagareen

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Ciidanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles