Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ay gudaha magaalada ka wadaan diyaargarow ciidan oo xooggan, kaas oo looga hortagayo suurtagalnimada weerar ay soo qaadaan ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay xoojinayaan fariisimaha ku yaalla gudaha iyo hareeraha magaalada, iyadoo sidoo kale la abaabulayo ciidamo dheeraad ah oo loo diyaarinayo difaaca Baydhabo.
Taliyaha Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Isaaq Aadan Berdaale, ayaa la sheegay inuu gudaha Baydhabo ka wado abaabulka ciidamo xoojin ah, kuwaas oo la qorsheynayo in lagu kala geeyo goobaha muhiimka ah iyo hareeraha magaalada.
Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa xilli xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee Baydhabo ay sare u kacday, iyadoo ciidamada taabacsan Laftagareen ay weli ku sugan yihiin qaar kamid ah deegaanada ku dhow magaalada.
Laftagareen ayaa Khamiistii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in dowladda federaalku ay ciidamo kula wareegtay Baydhabo, isaga oo sheegay in ciidamadiisa ay magaalada ka saari doonaan ciidamada dowladda.
Hadalka Laftagareen ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in xiisadda siyaasadeed ay isu beddesho dagaal cusub oo ka dhaca gudaha iyo duleedka Baydhabo.
Dadka reer Baydhabo ayaa xusuusanaya weerarkii 17-kii Agoosto, kaas oo ay magaalada ka geysteen ciidamo daacad u ah Laftagareen, waxaana weerarkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo sidoo kale ay cabsi iyo barakac soo wajahday qaybo kamid ah shacabka.
Xaaladda magaalada ayaa hadda ah mid xasaasi ah, iyadoo dadka deegaanka ay walaac ka qabaan in ciidamada labada dhinac ay isku dhacaan.
Ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa dhankooda wada diyaar-garow, halka dhinaca kale laga soo sheegayo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan xoogagga taabacsan Laftagareen.


