Duulimaadkii ugu horreeyay ayaa maanta lagu wadaa inuu ka dego Garoonka Diyaaradaha ee degmada Doolow, kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dib u furtay garoonka oo muddo ku dhow laba sano xirnaa.
Garoonka ayaa maanta dib u bilaabaya howlihiisa, iyadoo duulimaadkii ugu horreeyay ee ka yimaada dibadda ama gudaha dalka lagu wado inuu halkaasi ka soo dego.
Sida xogta la helayo, Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in aysan wax shuruudo ah ku xirin dib u furista garoonka, arrintaas oo meesha ka saareysa khilaafyo hore uga jiray maamulka garoonka iyo dowladda dhexe.
Dhowr jeer oo hore ayaa la sheegay in Guddoomiyaha Doolow uu diiday shuruudo ay Dowladda Federaalka ku xiraysay dib u furista garoonka. Khilaafkaasi ayaa sababay in garoonka uu muddo dheer xirnaado, iyadoo bulshada deegaanka ay ku tiirsanayd adeegyada iyo dhaqaalaha uu garoonku abuuro.
Xogta la helayo ayaa sidoo kale tilmaamaysa in saraakiil hore uga tirsanaa hay’adaha amniga ay door ku lahaayeen qorshayaal lagu cadaadinayay maamulka deegaanka, iyagoo dowladda dhexe u sheegay in xiritaanka garoonka uu fududeyn karo in maamulka Doolow uu hoos yimaado Villa Soomaaliya. Hase yeeshee, isku-dayadaas ayaa la sheegay in aysan miro dhalin.
Garoonka Doolow ayaa muhiimad weyn u leh bulshada ku nool Gobolka Gedo iyo dadka isaga kala goosha Soomaaliya iyo dalalka deriska ah, waxaana xiritaankiisa muddo laba sano ah uu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isku socodka bulshada.
Dhinaca kale, dib u furista garoonka ayaa loo arkaa guul siyaasadeed oo u soo hoyatay maamulka Doolow, kaas oo horey u diiday dalabyo la sheegay in loogu bandhigay dhaqaale iyo xilal siyaasadeed si uu u taageero mowqifyada Dowladda Federaalka.
Si kastaba, dib u furista garoonka ayaa hadda sare u qaadaysa rajada bulshada deegaanka ee ah in adeegyada duulimaadyada iyo ganacsigu dib ugu soo laabtaan Doolow, iyadoo la sugayo duulimaadyada joogtada ah ee mustaqbalka.


