Uganda oo ku dhawaaqday inay ciidamadeeda Soomaaliya kala bixi doonto Agoosto 2027

Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in Uganda ay si buuxda ciidamadeeda uga saari doonto Soomaaliya 1-da Agoosto 2027.

Kainerugaba ayaa arrintan ku shaaciyay qoraal uu ku daabacay bartiisa X, isagoo sheegay in wixii ka dambeeya taariikhdaas aysan Soomaaliya ka sii jiri doonin ciidamo ka tirsan Uganda.

Uganda ayaa kamid ah dalalka sida weyn uga qayb qaatay howlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007, iyadoo ciidamadeedu muddo ku dhow labaatan sano ka hawlgaleen Soomaaliya, dagaallo badanna kula galay Al-Shabaab.

Go’aanka cusub ayaa kusoo beegmaya xilli mustaqbalka howlgalka AUSSOM uu wajahayo caqabado dhinaca dhaqaalaha iyo taageerada caalamiga ah, gaar ahaan iyadoo ay jiraan walaacyo ku saabsan maalgelinta howlgalka wixii ka dambeeya dhammaadka 2026.

Si kastaba, warbixinta la helay waxay xustay in dowladda Uganda aysan weli si rasmi ah u xaqiijin in 1-da Agoosto 2027 ay tahay waqtiga kama dambaysta ah ee ciidamadeeda Soomaaliya looga saarayo.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in Madaxweyne Yoweri Museveni uu cadaadis ku saarayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in la furo wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, iyadoo arrintan ay ilo diblomaasiyadeed ku xireen xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

WARARKII KALE

Trump oo bogaadiyay heshiis taariikhi ah oo Mareykanka uu ku maamulayo 65 bilyan oo fuusto oo saliidda Venezuela ah

Trump oo bogaadiyay heshiis taariikhi ah oo Mareykanka uu...

DFS oo ciidan suga amniga Aadan Madoobe ka dejisay Baydhabo

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Baydhaba ka dejisay ciidamadii...

Turkiga oo xoog ku soo furtay markabka MV LATUF oo ay haysteen Burcadbadeed Soomaali ah

Ciidanka Badda Turkiga oo iskaashi dhow la sameynayay Ciidanka...

Duulimaadkii ugu horreeyay oo maanta lagu wado inuu ka dego Garoonka Doolow

Duulimaadkii ugu horreeyay ayaa maanta lagu wadaa inuu ka...

Baydhabo oo dhaq dhaqaaq ciidan ka socda iyo cabsi laga qabo weerar ay soo qaadaan ciidamada Laftagareen

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Ciidanka...

Hogaamiyaha Xisbullah oo mar kale diiday heshiiskii Lubnaan iyo Israa’iil

Naciim Qaasim, xoghayaha guud ee Xisbullaah Lubnaan, ayaa mar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles