Ciidanka Badda Turkiga oo iskaashi dhow la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo furtay markabka MV LATUF, kaas oo burcad-badeeddu 17-kii Agoosto 2026 ka afduubteen aagga xeebta Jifle ee degmada Eyl, gobolka Nugaal.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalka lagu soo badbaadinayay markabka uu socday muddo 10 maalmood ah, iyadoo la burburiyey afar doon oo ay adeegsanayeen burcad-badeedda, halka 14 kamid ah burcad-badeedda lagu qabtay howlgalka.
Ciidamada ayaa sidoo kale si buuxda ula wareegay markabka MV LATUF, kaas oo hadda si nabad ah u sii wada socdaalkiisi
Wasaaradda ayaa xustay in howlgalka uu saldhig u ahaa heshiiska iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo xoojinaya wada-shaqeynta labada dal ee ilaalinta xeebaha Soomaaliya, sugidda amniga badaha iyo la-dagaallanka burcad-badeedda.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in falalka burcad-badeednimadu yihiin fal-dambiyeedyo culus oo horseedaya ciqaab adag, iyadoo digniin u dirtay kooxaha ku lugta leh afduubka maraakiibta, kana digtay in cid kasta oo taageerta ama raalli ka ah falalkan lala xisaabtami doono.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale bogaadisay iskaashiga u dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Badda Turkiga, iyadoo sheegtay in howlgalka uu muujinayo sida ay uga go’an tahay labada dal ilaalinta xeebaha iyo biyaha Soomaaliya, la-dagaallanka burcad-badeedda iyo xaqiijinta badqabka isu-socodka maraakiibta.
Ciidanka Badda Turkiga iyo Ciidanka Soomaaliya ayaa hadda wada howlgallo lagu xaqiijinayo amniga xeebaha Soomaaliya iyo ka hortagga dib-u-soo-noqoshada burcad-badeednimada.


