DFS oo ciidan suga amniga Aadan Madoobe ka dejisay Baydhabo

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Baydhaba ka dejisay ciidamadii ugu badnaa oo Muqdisho diyaarado looga raray si loogu difaaco Maamulka Hoggaamiye Aadan Madoobe oo mucaaradad cusub la kulmayay maalmihii la soo dhaafay halka Laftagareena weerar ku yahay Magaalada Baydhaba oo xarun u ah mamulkaasi.

Ciidankan ayaa loogu talagalay inay Baydhaba difaacaan halka horayna ay ugu sugnaageen Qeybta Lixdanaad iyo guutooyin Gorgor ah.

Sidoo kale dowladda Federaalka ayaa dadaal ugu jirta in ay caalamka ku qanciso in Laftagareen iyo Ciidankiisu yihiin urur Argagixiso oo lamida Kooxda Al-shabaab.

Dhaq dhaqaaq Ciidan oo iska soo horjeedo ayaa laga dareemayaa magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, kaasi oo ay kala wadaan ciidamada DFS oo garab ka helaya ciidanka KGS iyo kuwa taabacsan Lafta Gareen.

Cabsi xooggan ayaa ka taagan magaalada Baydhabo, kaasi oo ay muujinayaan Shacabka ku nool Magaaladaasi.

WARARKII KALE

Trump oo bogaadiyay heshiis taariikhi ah oo Mareykanka uu ku maamulayo 65 bilyan oo fuusto oo saliidda Venezuela ah

Trump oo bogaadiyay heshiis taariikhi ah oo Mareykanka uu...

Turkiga oo xoog ku soo furtay markabka MV LATUF oo ay haysteen Burcadbadeed Soomaali ah

Ciidanka Badda Turkiga oo iskaashi dhow la sameynayay Ciidanka...

Uganda oo ku dhawaaqday inay ciidamadeeda Soomaaliya kala bixi doonto Agoosto 2027

Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay...

Duulimaadkii ugu horreeyay oo maanta lagu wado inuu ka dego Garoonka Doolow

Duulimaadkii ugu horreeyay ayaa maanta lagu wadaa inuu ka...

Baydhabo oo dhaq dhaqaaq ciidan ka socda iyo cabsi laga qabo weerar ay soo qaadaan ciidamada Laftagareen

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Ciidanka...

Hogaamiyaha Xisbullah oo mar kale diiday heshiiskii Lubnaan iyo Israa’iil

Naciim Qaasim, xoghayaha guud ee Xisbullaah Lubnaan, ayaa mar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles