Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Johg Un oo tallaabo cusub qaaday

Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa ku warantay in hoggaamiye Kim Jong Un uu shaqada ka eryay wasiirka difaaca isla markaana uu beddelay dhowr sarkaal oo sare oo militariga ah taasoo qayb ka ah isbadal ballaaran oo lagu sameeyay taliska militariga.

Wakaaladda rasmiga ah ee wararka Kuuriyada Waqooyi (KCNA) ayaa Axadda ku dhawaaqday in go’aannadan lagu gaaray kulan Sabtidii dhacay oo uu guddoominayay Kim Jong Un, isla markaana qayb ka ahaa “qorshayaasha dib-u-habaynta qaab-dhismeedka” ciidamada qalabka sida.

Sida lagu sheegay warbixinta, Noh Kwang-chul ayaa laga qaaday xilkii Wasiirka Difaaca, waxaana sidoo kale darajadiisa hoos loo dhigay oo loo magacaabay ku-xigeenka koowaad ee madaxa hay’adda warshadaha hubka iyo rasaasta ee ku dhex taal qaab-dhismeedka hoggaanka xisbiga talada haya.

Kim Song-gi, oo ah madaxa Waaxda Siyaasadda ee Ciidamada Kuuriya, ayaa loo magacaabay wasiirka cusub ee gaashaandhigga.

Sida ay sheegayaan wararkani, Pak Jong-chun, oo ah lataliyaha gaashaandhigga ee Kim Jong-un, ayaa sidoo kale loo magacaabay guddoomiye-xigeenka Guddiga Dhexe ee Militariga, wuxuuna noqday xubin ka tirsan Guddiga Siyaasadda ee Xisbiga Shaqaalaha Kuuriya.

Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaan sharraxaad ka bixin sababta ka dambeysa isbeddeladan. Hase yeeshee, tallaabooyinkan ayaa ku soo beegmay xilli Pyongyang ay bilihii u dambeeyay xoogga saaraysay horumarinta awooddeeda milatari iyo iskaashiga dhanka difaaca ee ay la leedahay Ruushka, iyadoo ay weli taagan tahay xiisad sare oo ka jirta Jasiiradda Kuuriya.

WARARKII KALE

RW Xams oo kulan la qaatay dhiggiisa Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa...

Guddoomiye Jaamac oo kulan la qaatay Xildhibaanada Soomaaliya ku metela Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya,Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac)...

DF oo shaacisay in la dilay mid ka mid ah hoggaamiyaasha Sare ee Al-Shabaab

Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, iyo saaxiibbada caalamiga...

Sacuudiga oo Soomaaliya dib ugu soo celiyay qaxooti Soomaali ah oo Yemen ku noolaa

Xarunta Gargaarka iyo Gurmadka Boqor Salmaan (KSrelief) ayaa Soomaaliya...

Safiirkii Itoobiya u fadhiyey Soomaaliya oo dalkiisa dib ugu laabtay

Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya, Suleiman Dedefo, ayaa ka baxay...

Iiraan oo war ka soo saartey cunaqabateynta Maraykanka iyo xannibaadaha marinka Hormus

Dowladda Iiraan ayaa ballan-qaadday inay sii wadi doonto ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles