Deni oo Boosaaso kula kulmay saraakiil ka socotay Africom

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabilay saraakiil sare oo ka socday Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), oo uu hogaaminaayo Taliyaha Howlgalada gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Africa, Colonel James Rose .

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka iyo wada-shaqaynta Dowladda Puntland iyo Dowladda Maraykanka, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga badaha.

Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay dardargelinta dhismaha saldhigga Maraykanka ee magaalada Boosaaso, Iskaashiga hawlgallada ka dhanka ah argagixisada Daacish iyo Alshabaab ee ku dhuumalaysanaysa buuraleyda Calmiskaad iyo Calmadow, la-dagaalanka burcad-badeedda, iyo horumarinta tababarrada Ciidamada Difaaca Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa kulanka kala qaybgalay xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, La-taliyeyaal Madaxweyne, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo Saraakiil ciidan.

WARARKII KALE

Yemen” Xasilloonida Soomaaliya iyo Yemen waa laf-dhabarta amniga Badda Cas”

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbo-joogta Yemen, Dr. Afrah Al-Zouba,...

Istanbul oo Martigelinaysa shirka Isbahaysiga Difaaca Makka ee Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Magaalada Istanbul waxaa maanta oo Isniin ah ay martigelinaysaa...

Soomaaliya oo Dalalka Carabta ugu Baaqday inay Ka Hortagaan Aqoonsiyo Kale oo la siiyo Somaliland

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir heer caalami ah oo ka dhacaya Serbia

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu...

Mareykanka oo weeraray qalabka gantaallada laga rido ee Iiraan oo ku yaala jasiiradda Larak

Ciidamada Mareykanka ayaa duqeyn ku qaaday laba xarumood oo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles