Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Ciidamadda Qalabka Sida ay saaka gudaha magaaladda Baydhabo kula dagaallameen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo weerar ku soo qaaday magaaladda.
Bayaanka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in ciidamadda dowladda ay si geesinimo leh uga hortageen weerarka, isla markaana ay dileen tiro ka mid ah maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, halka kuwo kalena lagu dhaawacay.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada ay hadda wadaan hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga magaalada, iyadoo shacabka loogu baaqay inay isdejiyaan, ayna la shaqeeyaan laamaha amniga.
Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in faahfaahinta rasmiga ah iyo tirada khasaaraha la xaqiijiyay shacabka lala wadaagi doono marka qiimeyntu soo gabagabowdo ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga
Qoraalka wasaaradda ayaa u qornaa sidan:-


