Wasiirkii hore Warfaafinta Koofur Galbeed, garabka Cabdicasiis Laftagareen, ayaa ku eedeeyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga inay fuliyeen weerarkii lagu beegsaday guriga Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan “Shub” ee Doolow.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xaqiijiyey in Jeneraal Shub uu dhaawacmay, iyadoo sidoo kale lagu sheegay inay jiraan dad kale oo ku dhintay weerarka.
Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta ay aheyd isku-day dil oo lala beegsaday siyaasi iyo sarkaal ciidan oo kasoo horjeeda maamulka MW Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale waxay Turkiga ka dalbadeen inuu shaaciyo cidda dooratay bartilmaameedka iyo saraakiishii Soomaaliyeed iyo kuwii Turkiga ee amray howlgalka.
Waxay sidoo kale ku baaqday baaritaan caalami ah oo madax-bannaan.
Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya weli kama aysan jawaabin eedeymahan.


