Xildhibaan Cabdi raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa si kulul uga hadlay duqeyntii lagu beegsaday degmadda Doolow Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan “Shub”, isaga oo ku tilmaamay tallaabo xeer-dhaaf ah oo khatar ku ah dowladnimada Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa sheegay in dhacdadan ay muujinayso, sida uu hadalka u dhigay, mas’uuliyad-darrada maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ka digay in awoodda dowladda loo adeegsado tallaabooyin sii hurin kara khilaafka iyo colaadda dalka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in duqeyntu ay halis ku tahay hayaanka dheer ee loo marayo dhismaha Dowlad loo dhan yahay, gaar ahaan dadaalladda lagu doonayo in meesha looga saaro farqiga is-aaminaad la’aanta ah ee bulshadda Soomaaliyeed dhexdeeda ka jirta.
Xildhibaan Odowaa ayaa ugu dambeyn ka digay in colaadda taagan loo sameeyo waji kale, isaga oo ku baaqay in aan la sii kala fogeyn dhinacyada ay dirirtu u dhexeyso, lana ilaaliyo midnimadda iyo Dowladnimada Soomaaliya.


