Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa war kasoo saaray weerarkii xalay ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo, kaas oo lagu beegsaday hoyga uu halkaasi ka degan yahay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka, isagoo sheegay in nidaamka uu muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si cad ugu bareeray shirqoolo siyaasadeed, isaga oo dhacdada Doolow ku tilmaamay duullaan dhinaca cirka ah oo lagu qaaday hoyga Janaraal Mahad Cabdiraxmaan.
Madaxweynihii hore ayaa sheegay in weerarka uu ahaa fal-dambiyeed abaabulan oo loogu talagalay in lagu khaarajiyo Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale ku tilmaamay dhacdada mid nasiib-darro ah oo khatar ku ah dowladnimada iyo xasilloonida dalka.
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ka hadlay khasaaraha ka dhashay weerarka, isagoo tacsi u diray dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay, isla markaana ka digay in la sii wado tallaabooyin noocan oo kale ah oo uu sheegay inay horseedi karaan dhaawac ku yimaada midnimada bulshada iyo kalsoonida ay shacabka ku qabaan hay’adaha amniga.
Ugu dambeyn, Sheekh Shariif wuxuu hay’adaha amniga qaranka ugu baaqay inay ka fogaadaan ku lug yeelashada arrimaha siyaasadda, isagoo sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad halis ah, loona baahan yahay in hay’adaha amnigu ilaaliyaan dhexdhexaadnimadooda.


