Donald Trump ayaa wariyeyaasha u sheegay Jimcihii in Maraykanku uu si aad ah ugu dhow yahay inuu weeraro Buurta Kalang ee Iran.
Buurta Kalang, oo ku taalla meel u dhow xarunta kobcinta uranium-ka ee Natanz, waa goob si weyn loo adkeeyay oo ay ku yaallaan laba dhisme oo dhulka hoostiisa ah aad u qoto dheer.
Qayb kale oo ka mid ah hadalladiisa, Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in dagaalka Iran uu Maraykanka u yahay “arrin aan sidaas u weynayn.”
Mar sii horreysayna, Madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa sheegay inuusan khilaafka Iran ku tilmaami lahayn “dagaal.”
Donald Trump ayaa Jimcihii sharraxay, kadib markii wariye uu weydiiyay inuu shacabka Maraykanka u caddeeyo waxa dagaalka Iran yahay haddii aan loogu yeerin “dagaal”, isagoo yiri:
“Waxaan kuu sheegayaa, dad badan dagaal uma yaqaannaan. Anigu waxaan ugu yeeraa iska horimaad milatari, sababtoo ah annaga arrintu waa mid aan sidaas u weynayn. Ma aha arrin weyn. Waxaan tallaabo ka qaadnay Venezuela waana ku guulaysannay. Wax khasaare ah nagama uusan soo gaarin Venezuela. Waxaan iska horimaadka Iran ku waynay 18 qof. Vietnam-na waxaan ku waynay 100,000 qof.”


