Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Ismail Baghaei, ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Mareykanka inaysan u oggolaan dowladdooda inay “ka dhigto askar safka hore kaga jira dagaalka.”
Farriin uu soo dhigay barta X, ayuu Baghaei ugu boorriyay Mareykanka inay diidaan in loo diro dagaallo ay iyagu maalgelinayaan balse aysan dooran, isagoo intaas ku daray inaysan sidoo kale oggolaan in carruurtooda loo adeegsado calooshood-u-shaqeystayaal dagaal uu ku tilmaamay mid sharci-darro ah.
Horay, Madaxweyne Donald Trump ayaa maalintii Jimcaha u sheegay weriyeyaasha in Mareykanku uu aad ugu dhawaaday inuu weeraro Buurta Kalang ee dalka Iiraan.
Buurta Kalang, oo ku taal meel u dhow xarunta lagu sifeeyo uranium-ka ee Natanz, ayaa ah goob si adag loo ilaaliyo oo leh laba xarumood oo waaweyn oo dhulka hoostiisa ku yaalla.
Qeyb kale oo ka mid ah hadalkiisa, Trump wuxuu sheegay in dagaalka lala galo Iiraan uusan ahayn “arrin weyn” oo ku cusub Mareykanka, isagoo xusay inuu doorbidayo inuu ugu yeero “isku-dhac militari”.
Iran oo ku boorrinaysa dadka Maraykanka inay ka soo horjeestaan dagaallada ka socda Bariga Dhexe
NAGU SOO BIIR


