Wadahadalladii Putin iyo ergadii Trump oo soo dhammaaday kaddib in ka badan saddex saacadood

Wadahadalladii Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo ergada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Steve Witkoff iyo Jared Kushner, ayaa ku soo dhammaaday Kremlin-ka, kaddib kulan socday saddex saacadood iyo 10 daqiiqo, kaas oo diiradda lagu saaray dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine.

Kaaliyaha Madaxweynaha Ruushka Yuri Ushakov ayaa wadahadallada ku tilmaamay kuwo “wax-ku-ool ah, wax-dhisaya, si buuxdana u daacad ah oo ku dhisnaa kalsooni”, isagoo sheegay in laga hadlay xaaladda Ukraine iyo sidoo kale arrimo kale oo u dhexeeya Moscow iyo Washington.

Putin ayaa billowgii kulanka sheegay in xiriirrada iyo wada-xaajoodyada Maraykanka ay “mar walba yihiin kuwo wax-ku-ool ah”, wuxuuna ammaanay dadaallada Trump ee lagu gaarayo xal lagu soo afjaro dagaalka. Dhanka kale, Witkoff ayaa guddoonsiiyay salaanta Madaxweynaha Maraykanka, wuxuuna Putin uga mahadceliyay tallaabooyinka uu qaaday ee lagu xaqiijinayo ammaanka wafdiga.

Sidoo kale, Putin wuxuu ciidamada Ruushka faray inay ka fogaadaan bartilmaameedsiga Kyiv muddo saddex maalmood ah, laga bilaabo saqda dhexe ee Sabtida, xilli labada ergey ee Maraykanku ay isu diyaarinayaan inay u safraan caasimadda Ukraine

WARARKII KALE

Gedo:’Muxuu daaran yahay Safarka Taliyaha Ciidanka Lugta ee ku tagay Baardheere?

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka...

Soomaaliya oo si adag u Cambaareysay soo noqoshada Burcad-badeedda

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay soo...

DFS oo shaacisay magacyada xubnihii Al-shabaab ee lagu dilay Howlgalkii Buula-Fulaay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay...

Israa’iil oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Safarka Somaliland, Qatar, Masar iyo Urdun

Golaha Amniga Qaranka Israa’iil ayaa muwaadiniinta dalkaasi uga digay...

Sheekh Cali Wajiis “Cid Kasta oo Dowlad La Dagaallanta Waa Argagixiso, Waana in la dilo”

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culumada magaalada...

Jubbaland oo ku dhawaaqday bannaanbaxyo looga soo horjeedo DF iyo duqeyntii Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in bannaanbaxyo waaweyn laga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles