Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (General Khaalid), ayaa maanta gaaray magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Wafdiga ayaa garoonka diyaaradaha waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu hoggaaminayay Taliyaha Guutada 36-aad ee Qaybta 43-aad ee XDS, G/Sare Cismaan Sheekh Qorax, saraakiil ciidan, maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Taliyaha ayaa salaan ka qaatay cutub ka tirsan Ururka 363-aad ee Guutada 36-aad, kaddibna wuxuu salaan gacan-qaad ah la wadaagay mas’uuliyiintii iyo bulshada u timid soo dhaweyntiisa.
Warar iyo xog laga helayo ilo kala duwan ayaa sheegaya in safarka General Khaalid uu ku soo beegmayo xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo qorshe lagu xoojinayo joogitaanka ciidamada dowladda ee gobolka Gedo.
Ilo-wareedyo ku dhow Taliyaha ayaa hore u sheegay in socdaalkiisa uu sidoo kale la xiriiri karo tabashooyin ay qabaan ciidamada dowladda ee ku sugan Baardheere, iyadoo la filayo inuu la kulmo saraakiisha iyo ciidamada si xal looga gaaro cabashooyinkooda.
Si kastaba, warar kale ayaa sheegaya in dowladda ay dooneyso inay Baardheere ka dhigto goob muhiim u ah qorshe ciidan oo cusub, iyadoo la filayo in magaalada loo diyaariyo ciidamo dheeraad ah oo lagu xoojiyo joogitaanka dowladda Federaalka ee Gedo.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Gedo iyo Jubbooyinka ay ka jiraan loollan siyaasadeed iyo mid amni oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, iyadoo sidoo kale ay gobolka ku leeyihiin saameyn ciidan dowladaha deriska ah.
Wararka laga helayo dhinacyada arrintan ku dhow ayaa sidoo kale sheegaya in ay jiraan qorshayaal la xiriira howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo laga fulinayo qeybo ka mid ah Jubbooyinka, taas oo sare u qaadaysa muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Baardheere iyo guud ahaan gobolka Gedo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay isku dayaysay inay kordhiso saameynteeda militari ee Gedo, xilli ay magaalada Doolow iyo Beledxaawo joogaan ciidamo Itoobiyaan ah, halka Jubbaland ay iyaduna leedahay ciidamo ka howlgala qaybo ka mid ah gobolka.
Sidaas darteed, Tagista Taliyaha Ciidanka Lugta ee Baardheere ayaa loo arki karaa tallaabo muhiim ah oo ku aaddan dib-u-habeynta iyo xoojinta ciidamada dowladda ee Gedo, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin qorshaha dhammeystiran ee socdaalka iyo waxa xiga.
Su’aasha hadda taagan ayaa ah: Baardheere ma noqon doontaa saldhig cusub oo dowladda Federaalka ay kaga soo muuqato loollanka amni ee Gedo iyo Jubbooyinka, mise qorshahan ayaa wajahaya caqabado la mid ah kuwii hore?
Waxaa sidoo kale la isweydiinayaa sida Itoobiya, Kenya iyo Jubbaland uga falcelin doonaan haddii Dowladda Federaalka ay ciidamo dheeraad ah geyso Gedo, iyo haddii tallaabadan ay horseedi karto isbeddel cusub oo ku yimaada awood-qaybsiga iyo amniga gobolka.


