Muqdisho oo maanta martigelineysa Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka furmaya Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026, kaas oo isu keenaya hay’adaha dowladda, wasiirada warfaafinta dowlad goboleedyada, warbaahinta, bulshada rayidka ah, bah-wadaagta horumarinta iyo daneeyayaasha kale, waxaana soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS.

Madashan oo hal ku dhigeeda yahay “Qaabeynta Mustaqbalka Warbaahinta ee Xilligan Casriga ah” ayaa lagu xoojinayaa isku-duwidda isgaarsiinta, lagu horumariyo isgaarsiinta dadweynaha, laguna dhiso kalsoonida bulshada.

Madashan oo markii labaad la qabanayo ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa horumarinta warfaafinta dalka, jihada mustaqbalka warbaahinta Soomaaliyeed, xoojinta xiriirka dowladda iyo dadweynaha, fursadaha ay bixiyaan tiknoolajiyadda iyo baraha bulshada, iyo caqabadaha la xiriira wararka been-abuurka ah.

Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga hadli doonaa anshaxa saxaafadda, isbeddellada ku socda warbaahinta casriga ah iyo adeegsiga garaad gacameedka (AI) ee dhinaca warbaahinta iyo isgaarsiinta.

WARARKII KALE

DFS oo ballanqaadday in dib loo dhisi doono buundada Baardheere

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal...

Diyaarado dagaal oo duqeyn ka fuliyay duleedka Afmadow

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay duleedka...

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta oo Qaahira ku shiraya

Waxaa maanta magaalada Qaahira ka furmaya shirka Wasiirrada Arrimaha...

Wada-hadallo lagu mideynayo mucaaradka oo u socda Deni, Farmaajo, Khayre, Cumar Cabdirashiid iyo CCW

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wada-hadallo hoose ay...

DFS oo raalligelin ka Bixisay dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Faarax...

Iran oo digniin u dirtay Mareykanka

Afhayeen u hadlay Taliska Sare ee Khatam al-Anbiya ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles