Muwaadiniinta u dhashay Burundi oo durbaba bilaabay inay ka baxaan Kenya

Boqolaal muwaadiniin ah oo u dhashay dalka Burundi oo ku sugan Kenya ayaa ku howlan sidii ay u heli lahaayeen dukumentiyada safarka si ay dalka uga baxaan, ka hor inta aan la bilaabin howlgallo ka dhan ah ganacsatada yaryar ee aan haysan sharciyada.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa Isniintii u qabtay dadka ajaanibta ah ee leh ganacsiyada yaryar inay joojiyaan shaqada, kaddib markii Wasaaradda Ganacsigu sheegtay in qaar ka mid ah ay si khaldan uga faa’iideysteen xeerarka fiisaha si ay uga shaqeeyaan Kenya iyaga oo aan haysan rukhsadaha loo baahan yahay.

Safaf dhaadheer ayaa lagu arkay bannaanka safaaradda Burundi ee caasimadda Nairobi, kaddib markii safaaraddu sheegtay inay muwaadiniinta doonaya inay dalkooda ku laabtaan siin doonto dukumentiyo safar oo degdeg ah oo bilaash ah. Qaar kale ayaa ku howlan inay iibsadaan tigidhada basaska.

Kenya waxaa ku nool boqolaal kun oo muhaajiriin ah oo ka kala yimid dalalka Bariga Afrika, kuwaas oo u yimid inay raadsadaan shaqo iyo fursado ganacsi.

Wasaaradda Ganacsiga Kenya ayaa sheegtay inay jireen “si ula kac ah oo khaldan loo adeegsaday codsiyada fiisaha”, iyadoo qaar ka mid ah dadka soo booqday dalka ay ku yimaadeen iyagoo sheegtay inay yihiin maalgashadayaal ama dalxiisayaal, balse markii dambe ku lug yeeshay dhaqdhaqaaqyo ganacsi oo ka hor imanaya ujeeddadii ay ku sheegeen fiisahooda.

Sida laga soo xigtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, Kenya waxaa ku sugan ku dhawaad 16,000 qof oo Burundi ah oo ah qaxooti iyo magangalyo-doon.

Lama oga tirada dadkaas ku lug leh ganacsiyada yaryar ama inta ka mid ah ee uu saameyn doono ololaha dowladda.

Burundianka ayaa la arkayay iyagoo sita dhammaan alaabtooda sida shandado iyo furaashyo, iyagoo isku dayaya inay dalka ka baxaan ka hor inta uusan bilaaban howlgalku. Hase yeeshee, qaar ka mid ah waxay sheegeen inaysan awoodin kharashka safarka, waxayna dowladda Kenya ka codsadeen inay kordhiso muddada kama dambaysta ah ee loo qabtay.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aan la soo saarin wax amar ah oo ajaanibta dalka ku sugan loogu sheegayo inay Kenya ka baxaan, kaddib dood ka dhalatay hadallo uu Madaxweyne William Ruto ka sheegay ka qaybgalka ajaanibta ee ganacsiyada yaryar.

WARARKII KALE

Ururka Qareennada Soomaaliyeed oo ka horyimid Habraac lagu Nidaaminayo Mihnadda Qareennimada

Ururka Qareennada Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah uga horyimid...

Dowladda Soomaaliya oo saraakiil iyo Ciidamo dheeraad ah geysay Baydhabo

Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo geysay saraakiil iyo ciidamo...

Deni“Heshiis kasta oo naga dhexeeyey Federaalka waa la laalay”

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku dhawaaqay go’aan...

Dood ka taagan xubinta cusub ee ururada Bulshada ee guddiga doorashada

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in tartan iyo...

Laftagareen oo Hakiyay Duulimaadyada Ciidamada iyo Agabka Ciidan ee Baydhabo

Xubnaha taabacsan madaxweynihii hore ee KGS Cabdicasiis Laftagareen ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles