Falastiiniyiin ka badan 100 oo lagu dilay Qasa tan iyo markii lagu dhawaaqay heshiiska Israa’iil iyo Xamaas

Hay’adda difaaca rayidka ee Marinka Qasa ayaa sheegtay in dhacdadii saaka ee u dambeysay ay ka dhigtay tirada dadka lagu dilay Qasa tan iyo markii lagu dhawaaqay heshiiska Israa’iil iyo Xamaas Arabacadii la soo dhaafay dad ka badan 100 qof.

Bayaan uu soo saaray afhayeenka hay’adda difaaca rayidka Maxamuud Basal ayuu ku sheegay in tirada dadka ku dhintay duqeymaha Israa’iil tan iyo markii heshiiska la saxiixay lagana soo gaaro illaa saaka sagaalkii aroornimo ay gaarayso 101 qof oo 27 ay caruur yihiin, halka haweenku gaarayaan 31, waxana uu dhaawucu gaarayaa 264 qof.

Waxa uu intaa ku daray in duqeyn xagga cirka ah oo Israa’iil xalay ku qaaday guri ku yaala waqooyiga Qasa ay ku dhinteen sagaal qof, halka shan kale ay ku dhinteen Khamiistii duqeyn kale oo lagu qaaday guri ku yaala bartamaha Qasa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Janan oo Baladxaawo tagay, heshiiskii Nairobi iyo wareejinta xerada UK oo la qorsheeyay

Wararka laga helayo G/Gedo ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan...

Shiinaha oo digniin u diray Somaliland kadib xiriirka Taiwan

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay...

Mareykanka oo soo jeediyay in xafiiska Q.M ee UNSOS hal sano oo dheeraad ah lagu kordhiyo

Dowladda Mareykanka ayaa soo jeedisay in Xafiiska Taageerada Qaramada...

Fadhigii Golaha Shacabka oo maanta Baaqday

Waxaa maanta baaqday fadhiga ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Golaha...

DFS oo sheegtay inay burburisay shabakado ka tirsan Al-Shabaab

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles