Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Cabdiqaadir Cumar Macallin u magacaabay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, kaas oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.
Magacaabistan ayaa timid xilli uu socdo muranka ka dhashay dastuurka cusub ee Soomaaliya, kaas oo dhigaya kala saaridda xubinnimada Baarlamaanka iyo xilalka Golaha Wasiirrada.
Cabdiqaadir Cumar Macallin ayaa la sheegay inuu xilkan ku yimid rabitaanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Jaamac, oo horey u maamulayay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
Xogta la helayo ayaa sidoo kale tilmaamaysa in Cabdiqaadir uu ahaa xildhibaankii la galay hoolka Baarlamaanka Guddoomiye Jaamac, iyadoo magacaabistiisa xilka wasiirnimo ay u saamaxayso inuu qabto booskii wasaaradda ee bannaan.
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sii wada magacaabista xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo lagu darayo Xukuumaddiisa, iyadoo arrintani ay dhalinayso su’aalo la xiriira hirgelinta qodobada dastuurka cusub ee dhigaya kala saaridda Xukuumadda iyo Baarlamaanka.


